WAA INTEE DHIMASHADA CARUURTA GAZA?
(SAWIRKA)JAANTUUSKA CARUURTA GAZA KAHADLAAYO.
(GAZA)-Sida aan la wada socono waxaa weli Marinka Gaza ka socdo dagaalkii u dhexeeyey Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF),dagaalkan ayaa soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 7/10/23-ka waxaane hadda laga joogaa mudoo dhan hal bil iyo seddex iyo toban maalmood. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Xarakada Xamaas iyo ciidamada difaaca Isra’iil(IDF) laakinse waxaa ayagana dhibaato xoogan ey soo gaartay dadka shacabka ah ee deganaay Marinka Gaza iyo caruurtooda,dagaalka ayaa galaaftay Isbitaaladii,Dugsiyadii Waxbarashada iyo dhammaan dhismayaashii ka muuqday Marinka Gaza,hadaba Wargayska ka soo baxa caasimadda Ingiriiska ee London laguna soo daabaco Luqadda Carabiga ee la yiraahdo”AL-ARAB ALJADEED’ ayaa waxa uu soo bandhigay jaantuus uu kaga hadlaayo caruurta ku nool Marinka Gaza inta ey la eg tahay dhibaatada caruurta ka soo gaartay dagaalka ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.