SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAASABOORKA OO LA SIMAN KAN YAMANTA.

Sida uu maanta qoray HENLEY PAASAPORT INDEX wadamadda Soomaaliya iyo Yaman baasabooradooda ayaa waxaa Visa-la’aan lagu geli karaa sodon iyo seddex(33) dal in kastoo aan la magacaabin kuwa eey yihiin dalalkaas,dhinaca kalane war bixintan la soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in dalal badan oo adduunka ah ayaa baasabooradooda waxaa lagu geli karaa boqol dal wax ka badan tusaale ahaan dalka Japan oo qiimayntaan kaalinta koobaad(1-aad) ka galay adduunka oo dhan ayaa baasboorkiisa lagu karaa 191-dal ayadoo aan loo qaadan wax Visa-ah,kaalinta labaad(2-aad) waxaa galay Sigapore-190-dal,kaalinta seddexaad(3-aad) waxaa wada galay Jarmalka iyo kuuriyuadda koonfureed waxaane lagu geli karaa 189-dal. Haddii aan qiimayntaas dib u fiiriyey waxaa ii soo baxday in dalalka dhaca geeska afrika deriskana la ah soomaaliya sida Kenya waxaa baasboorkeeda lagu geli karaa fiisa la’aan 72-dal,Jabuuti-47-dal iyo Itoobiya-44-dal. XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR.

HALKAAN KA AKHRISO