URURKA XIZBULLAHI IYO IRAAN OO ISKU DHACAY.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Ila wareedyo Iraan ah iyo kuwa kale oo ku dhaw Ururka ey Iraan taageerto Xizbullahi ee dalka Libnaan ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Khamiis ah kuna beegan 22/2/24-ka in Iraan ey ka codsatay Ururka Xizbullahi inaan kor loo qaadin weerarada lagu qaadaayo Isra’iil ee koonfurta dalka Libnaan taaso keentay khilaaf u dhexeeyo dalka Iraan iyo Ururka Xizbullahi. Ilahaan ayaa ku macneeyey “In wada hadallo badan iyo is afagaran waa uu dhawaan dhexmaray dalka Iraan iyo Ururka Xizbullahi kaaso ku saabsan arrinta sii xumaneysa ee dagaalka Xizbullahi iyo Isra’iil,marka loo eego iska horimaadyada ka socdo xadka u dhexeeyo dalka Libnaan iyo Isra’iil. Arrintaan soo kala dhexgashay dadka Shiicada ah kuna nool dalalka Ciraaq iyo Libnaan iyo dawaladda Iraan ayaa soo socotay mudooyinkaan waxaane dhacday in sarkaal sare kana tirsan Ilaaladda Kacaanka Iraan lana yiraahdo Ismaacil Qaani uu tegay dalka Ciraaq si uu ula hadlo xoogaga Shiicada ah ee dagaalka kula jira ciidamadda Maraykanka ee joogo dalka Ciraaq,wada hadalada ayaa ku soo dhammaaday fashal waxaane arrinkaan loo malaynayaa in dalka Iraan uu u baqay naftiisa iskana dhaadhiciyey inuu hoos u dhigo weerarada Maraykanka iyo xulafadiisa bariga dhexe.
ISHA/ARAB,