SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

URURKA XIZBULLA OO BEYRUT KU GUBAY GAARI…

(SAWIRKA)-BAABUURKA UN-KA OO LA GUBAY.

(BEIRUT)-Maamulka Lubnaan ayaa Sabtidii shalay sheegay in. in ka badan 25 qof la xiray ka dib markii maalin ka hor weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dhaawacay labo ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta, oo uu ku jiro Taliye ku Xigeenkii Ciidamada ee xilka ka degay. Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo kuwa Lubnaan ayaa cambaareeyay weerarka Jimcihii, kaasoo ku soo beegmay xilli habeenkii labaad taageerayaasha Ururka Xisbullah ey xireen waddada aada Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee kaliya ee dalkaas Lubnaan ee Beyruut,ka ddib go'aan ey ku mamnuuceen in laba Diyaaradood oo Iiraan laga leeyahay ey ku degi karaan halkaas. "In ka badan 25 qof ayaa waxaa xiray Sirdoonka Ciidamada Lubnaan", iyadoo qof kale ey xireen Ciidamada Ammaanka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahmad al-Hajjar ayaa u sheegay Suxufiyiinta ka dib shir Amniga deg deg ah oo Sabtidii dhacay. "Tani macnaheedu ma aha in Maxaabiistan ey fuliyeen weerarka... balse baaritaannada ayaa muujin doona cidda mas'uulka ka ah," ayuu yiri. Ciidanka iyo Hay'adaha Ammaanku waxay xoojin doonaan tallaabooyinka "Sugidda Amniga iyo Xasilloonida", ayuu Hajjar ku daray, Xad-gudubyadana waxaa loola dhaqmayaa "si dhab ah". Ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan ( UNIFIL ) ayaa dalbaday baaritaan ka dib markii mid ka mid ah baabuurtooda lagu gubay shilkaasi, kaas oo uu ku dhaawacay Taliye Ku Xigeenkii hore ee Ciidamadaasi Chok Bahadur Dhakal, oo u dhashay dalka Nepal, kaasoo ku sii jeeday gurigiisa ka dib markii uu soo afjaray hawshiisii. Ku Xigeenka Afhayeenka UNIFIL Kandice Ardiel ayaa u sheegay AFP in Nabad Ilaaliyihii labaad oo Nepalese ah uu sidoo kale dhaawacmay oo isbitaal la dhigay. Madaxweyne Joseph Cawn waxa uu wacad ku maray in "kuwa weerarka geystay ey heli doonaan ciqaabtooda", wuxuuna yiri "Ciidamada Ammaanku ma u dabacsanaan doonaan cid kasta oo isku dayda iney khalkhal geliso Xasiloonida iyo Nabadda shacabka", sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada X. Ra'iisul Wasaare Nawaf Salam ayaa si adag u cambaareeyay "Weerarka Dambiyada" wuxuuna ballan qaaday in uu soo qaban doono dambiilayaasha inta lagu guda jiro wadahadal uu la yeeshay Xiriiriyaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan Jeanine Hennis-Plasschaert iyo Taliyaha UNIFIL General Aroldo Lazaro.

'Nabadda Rayidka'

Kulan uu Sabtidii la yeeshay Xajar, ayuu Salaam ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ey leedahay in la sugo Ammaanka guud ahaan dalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa. Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo "Wasiirrada kale oo ey khuseyso" gelinka dambe ee maalintaas. War Saxaafadeedka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in MW-Cawn uu carabka ku adkeeyay in dhacdada "aan la ogolaan karin in ey soo laabato", isaga oo intaa ku daray in garsoorka "ey bilaabaan baaritaano dhulka ah". Ciidamada ayaa Jimcihii sheegay in dhowr goobood oo ku xeeran Garoonka Diyaaradaha lagu arkay "Bannaanbaxyo ey ku muujinayaan falal burburin iyo iska horimaadyo, oo ey ku jiraan weerarro ka dhan ah ciidamada qalabka sida iyo weerarro ka dhan ah gaadiidka". Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad banaan baxayay oo qaarkood huwanaa oo watay calanka Ururka Xisbullah, iyagoo weerar ku qaadaya nin ku labisan dharka ciidamada iyo mid kale oo dhar rayid ah kuna sugnaa agagaarka gaariga UNIFIL ee la gubay. Ma cadda cidda ka mas'uulka ah weerarka. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xisbullah, laakiin talefishankeeda Al-Manar goor dambe oo Jimcihii ah ayaa eedaymo aan la garanayn "rag wejiga soo duubtay". Waxa ey sheegtay in dibad baxayaasha ey muujiyeen " diidmadooda weerarka lagu qaaday kolonyada UNIFIL", iyaga oo intaa ku daray hadafkoodu ahaa "in la sugo soo celinta muwaadiniinta ku xayiran Iran". Kooxda xulafada la ah dhaqdhaqaaqa Amal, ee uu Hoggaamiyo Afhayeenka Baarlamaanka awoodda badan Nabih Berri, ayaa yiri "Weerarka UNIFIL waa weerar lagu qaaday Koonfurta Lubnaan" iyo "in Waddooyinka oo la xiro meel kasta ey tahay weerar ka dhan ah Nabadda dadka rayidka ah".

'Gabi ahaanba lama aqbali karo'

Dhowr waddan ayaa cambaareeyay dhacdada, si la mid ah Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres .”Weerarada noocan oo kale ah gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin... Badbaadada iyo Ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo hantida waa in la ixtiraamo mar walba," Afhayeenkiisa, Stephane Dujarric, ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. "Weerarada ka dhanka ah Nabad-ilaalinta waxay jebisay sharciga caalamiga ah. Israa'iil ayaa marar badan ku eedaysay Ururka Xisbullah in ey Garoonka Diyaaradaha ee Beirut u adeegsatay in ay hubka uga soo wareejiso Iran, mas'uuliyiinta Xisbullah iyo Lubnaan ayaa beeniyay. Ururka Xisbullah oo ey Iran taageerto ayaa saldhig weyn oo caan ah ku leh Lubnaan, inkastoo sanad ey colaado kula jireen Israa'iil iyo ka saarista xulafadooda Bashaar Al-Asad ee dalka ay deriska yihiin ee Suuriya ey kooxdaasi wiiqantay. Agaasinka Guud ee Duulista Rayidka ee Lubnaan ayaa sheegay Khamiista inay "si ku meel gaar ah dib ugu dhigtay" duullimaadyada qaar, oo ey ku jiraan Iran illaa 18-ka Febraayo iyada oo fulinaysa "tallaabooyin amni oo dheeri ah". Taariikhda ayaa ku soo beegantay iyadoo ey ku egtahay waqtiga loo qabtay ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan iyo in Xisbullah ey baneeyaan fariisimaha ey ku leeyihiin halkaasi, iyadoo la raacayo heshiis xabad joojin ah oo bilowday 27-kii bishii November.

ISHA-FRANC24.