SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO FADHI KA YEELANAAYO..

(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(QAHIRA)-Ururka Jaamicadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Axad ah kuna beegan 28/1/24-ka yeesho kulan deg deg ah loogana hadlaayo go’aanka ku meel gaarka ah ey soo saartay Maxakamadda Cadaaladda Adduumka ee ICJ go’aankaaso ku aadan weerarada sababay dhimashada faraha badn ey Isra’iil ka gaysato Marinka Gaza. Kulanka ayaa lagu qaban doonaa heer Safiiradda joogtada ah ee Ururka Jaamicadda Carabta,fadhigaan deg dega ah ayaa waxaa codsatay dawladda Falastiin oo xubin ka ah Ururka Jaamicadda Carabta,waxane laga codsaday xubnaha joogtada ah iney soo diyaariyaan Mawqifka wadamadda Carabta kuna saabsan xukunkii ey gaartay Maxkamadda Cadaaladda Adduun(ICJ),sidaas waxaa bayaan ku sheegay kaaliyaha Xoghayaha Ururka Jaamicadda Carabta Xusaam Zaki. Dalka Koonfur Afrika ayaa dalka Isra’iil waxa ey gaysay Maxkamada ICJ ee fadhigeedu yahay magaalaga HAGUE taariikhdu markeey ahayd 29/12/23-kii,Isra’iil ayaa lagu eedeyey iney gaysatay Xasuuq ka dhan ah dadka reer Falastiin xilli uu socday weerar lagu hoobtay laguna qaaday Marinka Gaza ka dib markii uu dhacay weerar ey qaaday Xamaas 7/10/23-kii.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.