URURKA ISKAASHIGA ISLAMKA OO CAMBAAREYEY..
(SAWIRKA)-DHULKA LA DEJINAAYO YAHUUDA.
(ANKARA-TURKEY)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegaayo in Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) uu Khamiista maanta ah cambaareeyey qorsha dawladda Isra’iil ey ku dhisayso kumanaan degaan oo kale kuwaaso laga dhisaayo Daanta Galbeed ee la hasyto ee dhulka reer Falastiin. War qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) ayaa cambaareyn loogu soo jeediyey siyaasadda degaameynta gumaysiga Isra’iil ee sii socota ee dhulka la haysto ee reer Falastiin,dhulkaas la degaamaynayo ayaa ugu yaraan waxaa la rabaa in laga dhiso 3500-unug oo cusub oo degaameyn ah. Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) oo metela ilaa 57-dawladood ayaa xaqiijiyey in siyaasadda dejinta Isra’iil ey tahay mid aan sax ahayn sharci darrana ah marka loo eego sharciga caalamiga ah,Axdiga Geneva iyo kan Qaraarada Qaramada Midoobe ee khseeya degnaameynta,waxaane ka mid ah Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee tirsigiisu yahay 2334-
ISHA/AA.