SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

URDUN:ASKAR KU DHIMATAY HAWGAL LAGU..

CIIDAMADDA AMAANKA URDUN.

(JORDAN)-Todobaadkii hore dalka Urdun waxaa ka dhacay isku dhac dhexmaray ciidamadda amaanka ee dalkaasi Urdun iyo dad ka caraysnaay sicir bararka ku yimid shidaalka dalkaasi Urdun,iska horimaadkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday sarkaal sare kana tirsanaay ciidamadda booliska isla markaasne ahaay taliye ku xigeenka saldhig booliska ee degmada Macaan,si hadaba loo soo qabto kuwii ka dambeyey dilka sarkaalka ayey ciidamadda amaanka dalka Urdun sameeyeen hawgala lagu bartilmaameedsanayo goob ey isku qarinayeen dad lagu tuhmaayo ineey ka dambeeyeen dilkii taliye ku xigeenkii saldhiga booliska ee degmada Macaan todobaadkii tegay waxaane hawgalka maanta ku geeriyooday seddex askeri waxaane ku dhaawacmay shan kale,sidaas waxaa sheegay boolika dalka Urdun maanta oo Isniin ah. Hawlgalka dhacay maanta ayaa waxaa lagu dilay mid ka mida ragii la tuhunsanaay waxaane la soo qabtay lana xiray sideed kale lana hor keeni doono cadaaladda sida lagu sheegay war kooban ka soo baxay xafiiska agaasimaha amniga guud ee dalka Urdun.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.