SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

UN-KA OO KU DHEGAN UAE.

CALANKA IMAARAATKA CARABTA EE MIDOOBAY(UAE).

(UAE)-Dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay dalalka sida aad ka ah u bartilmaameedsado dadka mucaarado siyaasadiisa waxa uuna ku weeraraa meel kasta ey ka joogaan adduunka,Israel iyo Imaaraatka markey heshiiyeen waxa ey si wadajir ah u bilaabeen iney soo afduubaan telefoonada dadka mucaaradka ku ah Imaaraatka,hadaba dalka Imaaraatka ayaa xukuno kala gedisan waxa uu ku riday mucaaradkiisa qaarkood waxa eyna hadda soo dhammaysteen xukunadii lagu riday weline waxa ey ku jiraan xabsiga sidaas darteed Qaramada Midoobe ayaa ka hadashay 12-qofood oo u dhaqdhaqaaqo xuquuqda dadka kuwaaso lagu xiray dalka Imaaraatka Carabta soona dhammaystay xukunkoodii balse dawladda Imaaraatka aysan weli sii deyn oo ma aysan dib helin xuriyadooda. Qaramada Midoobe warbixin ey sii daysay maanta oo jimca ah(2/6/23)-ka gaara ahaan kooxda Qaramada Midoobe u qabilsan la socodka dadka la iska xirto ayagoo aan dembi cad lagu soo oogin ayaa sheegtay in dad lagu xiray dacwadda Imaaraatka looga yaqaano (94) ey weli xabsiga ugu jiraan weli sifo aan sharci ahayn.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.