TURKIGA OO XABSIGA DHIGAY 34-BASAAS OO ISRAEL U SHAQEYNAAYEY.
(SAWIRKA)-XARUNTA SIRDOONKA TURKIGA MIT.
(ANKARA)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas ee soo bilawday todobadii bishii Oktoobar-2023-ka ayaa waxa si fudud hadda ugu sii fidayaa meelo ka baxsan Bariga dhexe sida dalka Turkiga oo hadda la tacaalaayo dhibaato kaga timid sirdoonka Isra’iil oo doonaayo iney dilal qorsheysan ka gaystaan gudaha dalka Turkiga. Dalka Turkiga ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin fara badan oo reer Falastiin ah kana soo cararay dhibaatada Isra’iil ku hayso dadkooda megengalyana ku jooga dalka Turkiga,hadaba maxaa soo kordhay? Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee magaaladda Istanbul ayaa soo saaray amar lagu soo xiraayo 46-qofood oo tuhmanayaal ah oo uu ku socdo baaritaan la xiriira iney gacan saar la leeyihiin sirdoonka dalka Isra’iil ee Mossad waxayne dadkaan ku eedeysan yihiin iney faraha kula jireen shirqool lagu bartilmaameedsanayey Ajaanib ku sugan gudaha dalka Turkiga. Sodon iyo afar tuhmane ayaa la xiray maanta oo Talaada ah sida ey masuuliyiinta dalka Turkiga ku dhawaaqeen,waxaane socdo hawlgalo lagu qab qabanaayo eedeysanayasha kale ee aan gacanta ku jirin. Dawladda Turkiga ayaa sheegtay iney sideed gobol ka sameysay hawlgal ka dhan ah dadka looga shakisan yahay in ey ku lug leeyihiin hawlaha u basaasida dalka Isra’iil. Baaritaanka la sameeyey ayaa lagu ogaaday in sirdoonka Isra’iil ey ka dambeeyaan dhaqdhaqaaqyada lagu beegsanaayo dadka Ajnabiga ah ee degan dalka Turkiga laga soo bilaabo sahan iyo isku day afduub,faahfaahin lagama haayo baaritaanka balse Mossad ayaa horay ugu lug lahayd baaritaanada ku saabsan isku dayga afduubka Falastiiniyiinta ku nool dalka Turkiga.
ISHA/DAILY SABAH.