SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TORONTO: TOOGASHO KA DHACDAY QUBUURAHA….

(TORONTO)-Dalka Kanada waxa uu ka mid yahay dalalka eey ku nool yihiin Soomaali fara badan oo ka soo qaxday dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya sagaashanaadkii,waxaane dalka Kanada ka dhaca falal aad u xun lagulana kaco dhallinyarada Soomaaliyeed ee degan dalka Kanada,hadaba dhacdadii ugu dambaysay ayaa waxa eey ka dhacday gobolka Toronto ee dalkaasi Kanada waxaane Toogasho lagu dilay hal wiil oo da’adiisa lagu sheegay 26-jir lana yiraahdo Ayuub Xirsi Cali waxaane lagu dhaawcay mid kale oo isna da’adiisu la yiri waa 27-jir,toogashada dhallinyaradaan loo gaystay ayey boolisku ku sheegeen ineey tahay mid lagu bartilmaameedsaday Qubuuraha Muslimiinta ee ku yaalo Richmond Hill.Booliska gobolka York ayaa sheegay in looga yeeray Qubuuraha Muslimiinta ee Toronto kuna yaalo jidka Leslie maalintii shalay oo Khamiis ahayd waxyar ka dib seddex iyo barkii galabnimo(3:30)-PM. Dadka la toogtay ayaa waxa eey ka qeybgelaayeen Aaska wiil Soomaali ah oo isna toogasho lagu dilay maalintii Talaada ahayd lana yiraahdo Gidid Maxamed oo 27-jir ah.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.