SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TOOGASHO KA DHACDAY LIBNAAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Hal qof ayaa ku geeriyooday waxaane ku dhaawacmay shan qofood oo kale toogasho ka dhacday gudaha Masaajid ku yaalo Bariga dalka Libnaan sidaas waxaa sheegay hayadaha amniga iyo warbaahinta dalka Libnan maanta oo Jimca ah. Sababta ka dambeyso toogashada ka dhacday Ceel Ilyaas ee gudaha Waadiga Biqaac ayaan la aqoon ilaa hadda waxa sababay,Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Libnaan ee NNA ayaa sheegtay in dhawaqa rasaasta laga maqlaayey goobta ey ka dhacday toogashada,rasaasta ayaa waxaa is dhaafsanaayey ciidamada amaanka Libnaan iyo qofka lagu tuhmaayo inuu gaystay toogashada ka dhex dhacday Masjidka,waxaane dhacday in shaqsigii la tuhmaayey uu dhaawac soo gaaro, Qof la qariyey magaciisa ayaa u hadlay Wakaaladda Wararka AP waxa uuna qofkaasi sheegay in qofka dhintay iyo shanta dhaawaca ah ey u wada dhasheen dalka Suriya waxa eyna dalka Libnaan ku joogaan Qaxootinimo.

ISHA/THE NATION.

HALKAN KA SI AKHRISO