SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TIRA KOOB LAGA SOO SAARAY DHIBKA GAARAY MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-XAALADDA CARUURTA GAZA EY KU SUGAN YIHIIN.

(BEIRUT)-Wararka aan ka heleyno marinka Gaza ee uu ka socdo dagaalka Qaraar ayaa sheegaayo in Xukuumadda ka dhisan Gaza Xafiiskeeda Warfaafinta uu maanta oo Axad ah uu shaaciyey iney si rasmi ah u joojiyeen shaqadii ey ka hayeen Marinka Gaza laba iyo labaatan Isbitaal kuwaaso Gaza ka hayey shaqooyin kala duwan oo loogu adeegaayey shacabka reer Falastiin,sababaha keenay in Isbitaaladaasi ey xirmaan ayaa lagu sheegay iney tahay weerarada cirka iyo dhulka ah ey qaadayaan ciidamadda difaaca Isra’iil ee soo bilawday horaantii bishii hore. Bayaan uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta ee Xukuumadda Gaza ayaa lagu sheegay in tirada Masaajidda la burburiyey si dhammaystiran ey dhan yihiin todobaatan Masjid,waxaane jiro Massjido kale oo iyagana uu soo gaaray burbur balse weli dadku ey ku dukadaan Masaajidadaan ayaa tiradooda waxa ey gaareysaa ilaa 133-Masjid,sidoo kale,diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa burburiyey ilaa seddex Kaniisad,dhinaca Isbitaaladda waxaa la burburiyey 22-Isbitaal iyo 49-xarun caafimaad,waxaane bam lala dhacay oo dambasta noqday 53-baabuur oo ah kuwa qaada dadka dhaawaca ah(Ambulance).

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.