SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TALYANIGA IYO LIBIYA OO WADA HADAL…

RW-GIORGIA MELONI.

(LIBIYA)-Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa dalka Libiya waxaa uga bilawday wada hadal ey la leedahay masuuliyiinta dalka Libiya maanta oo Sabti ah,Meloni ayaa la kulmayso masuuliyiinta reer Libiya uu fadhigoodu yahay Galbeedka dalka Libiya,waxa eyna Meloni madaxda Libiya kala hadli doontaa arrimo ey ka mid yihiin Tahriibka iyo Batroolka,qodobada ugu waa weyn ey labada dal ka wada hadli doonaa ayaa waxaa ka mid ah arrinta ka dhex taagan Midawga Yurub iyo dalka Talyaaniga kuna saabsan dadka Megangalyo doonka ah kana soo gala xuduuda dhinaca badda ah ee u dhexeyo Libiya iyo Talyaaniga. Giorgia Meloni inta ey joogto dalka Libiya waxa ey dalkeeda u saxiixi doontaa heshiis u dhexeeyo Libiya iyo Talyaniga kuna saabsan shirkadaha Batroolka ee labada dal,heshiiskaan ayaa lagu qiyaasay ineey ku bixi doonto lacag dhan $8-Bilyan oo doolar,waane heshiiskii ugu weynaay ee Maalgashi ee dhinaca Tamarta ah uu dalka Libiya la galo dal kale muddo ka badan labaatan sano.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.