TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA OO..
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.
(AL-HURRA)-Taliska dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM ayaa ku dhawaaqay Arbacada maanta ah iney duqeymo is daba joog ah oo toos ah ku qaadeen xarumo badan oo lagu keydiyo hubka oo ku yaalo degaanadda ey Xuutiyiinta Yeman ka taliyaan maalmihii ey bishaan ahayd 9-ka iyo 10-ka bishaan Noofembar-2024-ka. Waxa lagu sheegay War Saxaafadeed faahfaahsan “Xarumahan waxaa ku jira koox hub caadi ah oo casri ah kuwaasoo ey adeegsadaan Xuutiyiinta ey taageerto Iraan si ey u beegsadaan Maraakiibta Mileteriga Maraykanka iyo kuwa Caalamiga ah iyo kuwa Rayidka ah ee mara biyaha Caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Taliska Ciidamadda dhexe ee Maraykanka CENTCOM ayaa sheegay”Hawlgalka waxaa ka mid ahaa ciidamadda Cirka iyo kuwa Badda ee Maraykanka oo ey ku jiraan diyaaradaha dagaalka F-35C. Sida lagu sheegay War Saxaafadeedka CENTCOM “Fulinta hawlgalkaan firfircooni waxa uu jawaab u ahaa weerarada soo noqnoqday ee sharci darada ah ee Xuutiyiintu ku qaadaan Maraakiibta Ganacsiga ee Caalamiga ah,iyo sidoo kale Maraakiibta dalka Maraykanka,Isbahaysiga iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas,Marinka Baab-AL-Mandab iyo Gacanka Cadmeed waxay ujeedadu tahay in la dhimo awooda Xuutiyiinta ey ugu hanjabayaan saaxibadda Gobolka.
ISHA-AD.