TALIBAN OO DISHAY HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH.
GAROONKA KABUL.
(KABUL)-Weerar kedis ah ey qaadeen ciidamadda Taalibaan ee dalkaasi Afgaanistaan ayaa lagu dilay hogaamiye sare oo la tirsan maleeshiyadka kooxda Daacish,hogaamiyahaan ayaa ahaay maskaxdii ka dambaysay weerarkii loo adeegsaday Bamka ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee caasimadda Kabul bishii Agoosto-2021-kii. Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay 13-askei oo ka tirsan ciidamadda Maraykanka iyo ku dhawaad 170-qofood oo reer Afgaanistaan ah,weerarkaan lagu hoobtay ayaa waxa uu dhacay waqtigii ey ciidamadda Maraykanka isaga baxaayeen dalkaasi Afgaanistaan,sidaas waxaa sheegay saraakiil Maraykan ah.
ISHA WARKA AP.