SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TAHRIIBINTA QAADKA EE SACUDIGA.

QAAD TAHRIIB AH OO LAGU QABTAY XUDUUDA SACUUDIGA IYO YEMAN.

(RIYAD)-In kastoo uu weli socdo iska horimaadkii u dhexeeyey ilaalada xuduudka Sacuudiga iyo maleeshiyaadka kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman hadane waxaa taas barbar socdo tahriibinta Qaadka ka baxo dalka Yeman loona tahriibinaayo gudaha dalka Sacuudiga. Dadka Tahriibinaayo Qaadka ayaa waxa ey lugeeyaan masaafo dhan tobaneeyo kiilomitir si ey u galaan gudaha dalka Sacuudiga,haddiise ey dhacdo in la qabto dadka Tahriibinaayo Qaadka waxa uu xukunkooda noqonayaa dil toogasha ah waayo dalka Sacuudiga ayaa Qaadka looga aqoonsan yahay inuu yahay Daroogo.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI