SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SWEDEN MUMIKA MAXA KALA HAYSTA?

(SAWIRKA)-SALWAAN MUMIKA.

(SWEDEN)-Bilooyin ka hor ayey ahayd markii aan arkaynay dad gubaayo Kitaabka Quraanka Kariimka,arrintaan ayaa waxaa bilaabay nin u dhashay dalka Denmark balse haysta dhalashada dalka Sweden,ninkaan ayaa gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah tiro ka afar jeer,arrintaan ayaa markii dambe waxaa gadaal uga soo biiray nin u dhashay dalka Ciraaq Qaxootina ku ah dalka Sweden,hadaba Hayadda Socdaalka ee dalka Sweden ayaa dalka Sweden waxa ey ka Eriday nin Qaxooti reer Ciraaq ah lana yiraahdo Salwaan Mumika,ninkaan ayaa gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah tiro ka laba jeer gudaha caasimadda dalka Sweden ee Stockhlom sidaas waxaa laga soo xigtay telefishanka(T.F4) maanta oo khamiis ah(26/10/23)-ka. Telefishanka ayaa soo qaatay hadal ey sheegtay Hayadda Socdaalka Swden oo u qornaay”Hayadda waxa ey go’aansatay iney dalka Sweden ka Eriso shaqsi(Mumika),natiijada arrintaas ka dhalatay waxa ey adkaysay fulinta qaraarka,Hayadda ayaa shaqsigaas(Mumika) siisay dal ku joog kooban kana bilaabanaayo 25/10/23 kuna eg 16/4/24-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.