SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SUURIYIINTA IYO FALASTIINIYIINTA OO LOO DIIDAY INEY…

(SAWIRKA)-CALANKA DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Ilo wareedyo maxali ah ayaa shaaca ka qaaday in go’aan ka soo baxay Xukuumadda Masar uu sheegaayo in Falastiiniyiinta ka imaanaayo dalka Suriya iyo afar dawladood oo kale oo Carab ah in laga mamnuucay iney soo galaan dalka Masar. Ilo wareedyada ayaa warbaahinta dalalka Carabta u xaqiijiyey in dawladda Masar ey qaadatay go’aan ey kaga hortegayso Falastiiniyiinta ka imaaneyso wadamadda Sudaan,Libiya,Ciraaq iyo Yeman ineysan soo geli karin dalka Masar ilaa amar dambe. Maalmo ka hor masuuliyiinta Masar waxay qaateen go’aan la mid ah midka ey hadda qaateen waxa eyna dalkooda ka mamnuuceen dadka u dhashay Suriya ee haysta dhalashada dalalka Yurub,Maraykanka iyo Kanada iyagoo aan helin ogolaansho Amni. Ilo wareedyadaan ayaa warbaahinta Carabta u sharaxay in go’aankan ey ka mid yihiin in la joojiyo dadka Suriyiinta ah ee haysta Fiisaha Schengen iney galaan dalka Masar,sidoo kalane ey ka mid tahay in laga hortago soo gelitaan Suuriyiinta haddii ey yihiin hal qof ama xaas uu qabo nin ama naag Masri ah iyado aan la siin ogolaansho Amni. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ku dhawaaqday taageerada masar ey siineyso dawladda Suriya,Ixtiraamka,Midnimada Madax-banaanideeda,iyo Wadajirka Dhuleed iyo Xoojinta isku xirka dhinacyada Gobolka iyo Caalamka iyadoo ujeedadu tahay in la taageero Suriya. Masar waxa ey sidoo kale dib u cusbooneysiisay taageeradeeda shacabka Suriya sidii ey dib ugu dhisan lahaayeen dalkooda iyo Hayadaha Dawladda iyagoo u maraayo jidka Siyaasad dhammaystiran ey hogaamineyso Suriya eyna ka qeybgelayaan dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay shacabka Suriya isla markaasne damaanad qaadaayo Xuquuqdooda.

ISHA-AA.