SUURIYA OO LAGU XIRAY SHURUUD.
URURKA JAAMOCADDA CARABTA.
(QAHIRO)-Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dunida Carabta ka socday olole la rabo in dalka Suriya dib loogu soo celiyo Ururka Jaamicadda Carbta,arrintaan ayaa waxaa hormuud ka ah dalka Sacuudiga oo hadda ah dalka martigelinaayo fadhiga Ururka Jaamicadda Carabta oo dhici doono 19/5/23-ka,hadaba Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta ayaa maanta oo Axad ah(7/5/23)-ka ayaa dalka Suuriya lagu xiray shuruudo ey dib ugu laabanayso ka mid noqoshada Ururka Jaamicadda Carabta ka dib markii dalka Suuriya uu ka maqnaay Ururka muddo ka badan toban sano. Go’aanka soo laabashada Suuriya ee Ururka Jaamicadda Carabta ayaa waxaa u codeeyey Wasiiro ka qeybgalay shir ka dhacay xarunta Ururka Jaamicadda Carabta ee Qaahiro.
ISHA WARKA AA.