SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SUURIYA OO KA FAA’IIDAY…

BURBURKII DHULGARIIRKA U GAYSTAY DALKA SUURIYA.

(DIMISHIQ)-Lixdii bishaan Feberaayo-2023-ka waxa uu dhulgariir xoogan uu ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya,dhulgariirka ayaa waxaa ku geeriyooday 44,580-qofood oo ka soo kala jeeda labada dal ee Turkiga iyo Suuriya,hadaba dalka Suuriya oo ka go’onaay Wadamada Carabta muddo dhan 12-sano kuna beegan waqtigii uu bilawday dagaalka dalka Suuriya ayaa hadda u muuqdo mid doonayo inuu dib u soo ceshato xiriirki kala dhexeeyey Wadamada Carabta ayadoo ka faa’ideysanayso dhulgariirkii dalkasi ku dhuftay 6/2/23-ka,waxaane dalkaasi gaaray masuuliyiin sare oo ka socdo Wadamo Carbeed uuna ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamix Shukri iyo wafdi ka socdo Baarlamaanada Wadamada Carabta oo shir ku lahaay magaaladda Baqdaad.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAANKA SII AKHRI