SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SUUDAAN OO KU EEDEYSAY IMAARATKA CARABTA INUU…

(SAWIRKA)-BANAANBAX LAGU HOR DHIGAY SAFDDA UAE EE USA.

(TUNIS)-Danjiraha dalka Suudaan u fadhiya dalka Tunisiya Md.Axmed C/waaxid ayaa ku tilmaamay Xasuuq ey Xoogaga Garaarka deg dega ah(RSF) u geysteen mawaadiniinta Suudaan iney ahaayeen kuwa “Argagixiso iyo Naxariis darro ah”. Bayaan uu Danjire Axmed siiyey Wargayska Afka Carabiga lagu daabaco ee ARABI21 ayuu ku eedeeyey Dawladda Imaaraatka Carabta Midoobe(UAE) iney “taageerto kooxda RSF-ta taasoo keentay Barakac iyo Socdaalka Qasabka ah ee malaayiin mawaadiniin Sudaan ah”. Wuxuu carabka ku dhuftay in “meelaha ey maamusho RSF-ta dadka rayidka ah waxa ey manuuc ka yihiin beerashada,bakhaarada waa la bililiqeystaa,waxaane jirta gabaabsi daran oo sahayda ah”. Si kastaba ha ahaatee,meelaha ka baxsan gacantooda,nasiib wanaag kama jiraan arrimahaas.

ISHA-MEMO.

HALKAN KA SI AKHRI.