SUUDAAN OO KA DIGTAY CALOOSHOOD U SHQQEYSTAYAASHA KA IMAANAYO LIIBIYA.
Dalka Liibiya waxaa ku sugan ciidamo fara badan oo ah calooshoo u shqeystayaal kana kala yimid caalamka daafihiisa,ciidamadaan ayaa ah kuwa la kala safan dawladda caalamku aqoonsan yahay ee liibiya iyo Gen.Xaftar oo raba inuu isagana dalka xukumo dagaalne kaga soo horjeedo dawladda Liibiya.Wasiiradda arrimaha dibadda Suudan Maryam Al-Mahdi ayaa sheegtay in dalka Suudaan eey soo food saari doonto qatar haddii lagu soo celiyo calooshood u shaqeystayaasha ka dagaalamay dalka Liibiya,hadalka wasiiradda ayaa ku soo beegmay waqti eey labada wasiir arrimo dibadeed(Suudaan iyo Liibiya) Maryam iyo Njla eey ka qeygelaayeen shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee jaamicadda carabta ee lagu qabtay Dooxa ee dalka Qadar kaasoo loga hadlaayey arrinta biya xireenka Itoobiya eey ka taagan tahay mushkilad mustaqbalka sababi karta dagaal inuu dhex maro dalalka Masar iyo suudaan oo dhinac ah iyo Itoobiya oo dhinac ah haddii aan la helin xal deg deg ah,dawladda Itoobiya ayaa ka hortimid baaqii ka soo baxay shirkii go;aha wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamicadda Carbta,arrintaan ayaa u muuqato mid eey ku hardamayaan labadda urur ee kala ah Jaamkicadda Carabta iyo kan Midawga Afrika kuna kala yaalo Qaahiro iyo Addis ababa sideey u kala horeeyaan.XIGASHO MEMO.