STEPHANIE:WAA IN KALA DUWANAASHADA LAGU….
ERGAYGA QARAMADA MIDOOBAY.
(TRIPOLI)Ergaga Qaramada Midoobay ee Liibiya ahne la taliye haweeneyda lagu magacaabo Stephanie Williams ayaa ugu baaqday kooxaha isku haayo talada dalkaas Liibiya ee kala ah Golaha sare ee liibiya iyo Golaha shacabka ee liibiya ineey si dhaqsi ah u soo afjaraan kala duwanaanshahooda. Stephanie ayaa sheegtay in maanta oo Axad ah la bilaabo hawsha dastuurka muddo todobaad ah gudaheeda si loo qabto doorasho loogana gudbo iska hor imaadyadaan soo laalaabtay.
ISHA WARKA AA.