SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMALIYA OO KAALINTA 7-AAD KA GASHAY…

SAWIR MUUJINAAYO KAALIMAHA WADAMADDA CARABTA KALA GALEEN DHINACA XURIYADDA SAXAAFADDA.

(PARIS)-Shalay oo Arbaca ahayd kuna beegneed 3/5/23-ka ayaa ku asteysneed Maalinta Xuriyadda Saxaafadda Caalmka,Ururka “REPORTES WITHOUT BORDERS’ oo fadhigiisu yahay caasimadda dalka Faransiiska Paris ayaa soo saaray warbixin sannadeed ku saabsan sida ey wadamadda caalamka ugu kala horeeyaan xuriyadda saxaafadda,dhinaca kale,Wargayska New Arab ee fadhigiisu yahay London kuna soo baxa Afka Carabiga ayaa soo bandhigay Sawir muujinayo sida ey ugu kala horeyaan xuriyada saxaafadda wadamadda ka tirsan Ururka Jaamicadda Carabta eyna ka mid tahay Soomaaliya. Dalka Soomaaliya ayaa xuriyadda saxaafadda adduunka ka galay kaalinta-141-aad halka ey Soomaaliya ka gashay kaalinta 7-aad marka loo fiiriyo xuriyadda saxaafadda ee wadamadda ka wada tirsan Ururka Jaamicadda Carabta.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.