SIYASIYIIN ISRAEL AH OO LAGA SAARAY SHIRKA….
SAWIRKA MADAXDA AFRIKA EE KU SHIRAYO ADDIS ABABA.
(ADDIS ABABA)-Waa wax naadir ah oo aan dhicin sida badan balse dhacay maanta,shirkii 36-aad ee hogaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururuka Midawga Afrika(AU) ayaa waxa uu ka furmay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa maanta oo Sabti ah 18/2/23-ka, goobta uu ka dhacaayey shirka maanta furmay ayaa waxaa laga saaray diblomaasiyiin reer Israel ah rabayne ineey shirka ka noqdaan dhegaystayaal hadalada ey jeedinayaan madaxda Afrika,arrintaan ayaa timid ka dib markii wadamo xubno ka ah AU-da ey cadaadis saareen shir gudoonka kuna Qasbeen in diblomaasiyiinta reer Israel laga saaro hoolka uu ka dhacaayo fadhiga madaxda Ururka Midawga Afrika(AU).
ISHA WARKA ARAB.