SIRDOONKA ISRA’IIL MOSSAD OO KU LUG YEESHAY…
(SAWIRKA)-GIORGIA MELONI.
(ROME)-Hayadda Sirdoonka Dibadda ee Isra’iil ee Mossad ayaa lagu soo waramayaa iney ku lug leedahay fadeexad basaasnimo oo lala beegsaday Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Meloni iyo saraakiil sar sare,sidaas waxaa shalay sheegay Wargayska laga leeyahay Isra’iil ee Yedioth Ahronoth. Wargaysku waxa uu sheegay in Mossad ey heshiisyo la gashay shirkad sameeyso baaritaano gaar ah ee fadhigoodu yahay magaaladda Milan ee dalka Talyaaniga taaso ka kooban xubno sar sare oo hadda ka tirsan Laamha Amaanka iyo kuwii horeba,kuwaaso xaday xogta gaarka ah ee Siyaasiyiin ey ka mid tahay Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni iyo dad kale oo caan ah,waxaane sirtaas loo isticmaalay in lagu baado. Wargaysku waxa uu sheegayin ugu yaraan afar qofood ey xiran yihiin in ka badan tobanaan kalane ey ku socotaa baaris,Wargayska ayaa intaas ku daray in khubarada Amaanka ee Internet-ka iyo kuwa jabsada laga yaabo iney jebiyeen shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga.
ISHA-MEMO.