SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SIRDOON KU LUG YEESHAY IN LA TAHRIBIYO…

SHAMIM BEGUM.

(LONDON)-Wadamadda Yurub iyo dalka Maraykanka waxaa isaga tegay dhallinyaro aad u fara badan kuna biiray Kooxdii Daacish kana dagaalamaysay dhulka u dhexeeyo Suuriya iyo Ciraaq,dhallinyaradaas ayaa ahaay kuwa aad u indha xiran lana socon khiyaanadda eey samaynayaan dadka ugu baaqay ineey galaan Jihaad balse Jihaadkaasi uu ahaay mid marin habaabin ku ah dhallinyaradaas,waxaane dhacday in gabdhihii yar yaraay kuna biiray kooxda Daacish ineey guursadeen dhallinyaro ayaga la mida lana soo siray loona soo sheegay been aan raad lahayn,caruurtii ku dhalatay goobihii dagalada ayaa ilaa hadda aan dib ugu soo laaban dalalkii waalidiintooda ka soo haajireen,hadaba Shamim Begum ahaydne gabar 15-jir ah waqtigii si dhuumaalyasi ah looga saaray dalka Ingiriiska lana geeyey dalka Suuriya si eey ugu biirto kooxda Daacish,Shamim ayaa gaartay Suuriya ayadoo gacan weyn ka heleysay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay sirdoonka dalkaasi Kanada kaaso indhaha booliska Ingiriiska ka qariyey in Shamim tahay gabar ku wajahan ineey ku biirto Kooxda Daacish kana dagaalanta xuduuda u dhexeeyso dalalka Suuriya iyo Ciraaq,ogaanshaha sarkaalkan Kanada u dhashay ayaa timid ka dib markii uu ku daabacay sheekada Shamim buug uu isaga qoray.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.