SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SIDEE LOO DILAY ISMAACIIL HANIYAH?

(SAWIRKA)-JANAASADDA HANIYAH.

(TEHRAN)-Wargayska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa Khamiista maanta ah sheegay in Hogaamiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah lagu dilay Walxaha Qarxa oo Todobaadyo ka hor si qarsoodi ah lagu soo geliyey magaaladda Tehraan ee dalka Iraan. Wargayska oo soo xiganaayo todobo sarkaal oo ka tirsan Bariga dhexe iyo saraakiil Maraykan ah,ayey warbixintu sheegtay in Bam lagu qariyey Guriga Martida oo ku yaalo caasimadda oo ey maamusho Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iraan(IRGC) ku dhawaad laba bilood ka hor,Ismaaciil Haniyah ayaa dhawr jeer ku sugnaay Guriga Martidda isagoo booqanaayo Tehraan,sida ey sheegeen ilo wareedyadda. Arbcadii,ka dib markii la xaqiijiyey in Haniyah uu ku jiray gudaha qolkiisa ee Guriga Martida,Bamka ayaa laga qarxiyey meel fog,sida ey sheegeen shan ka mid ah saraakiisha. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay ilaaladda Hogaamiyaha Siyaasadda Xamaas Ismaaciil haniyah. Dilka Ismaaciil Haniyah loogu gaystay Tehraan,Israa’iil ma xaqiijin mana beenin in iyadu leedahay masuuliyadda dilkaas,waane dhif in Israa’iil ey ka hadasho hawlgaladda laga fuliyey dibadda Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee,Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iraan Cali AL-Khameyni iyo Xarakadda Xamaas ayaa si toos ah ugu eedeeyey Israa’iil weerarkaa,waxayna balan qaadeen iney ka aargudan doonaan.

ISHA/MEE.

SII AKHRI.