SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SIDEE AYUU U DHACAY DILKII ISMAACIIL HANIYAH?

(SAWIRKA)-GURIGII MARTIDA EE UU DEGANAAY ISMAACIIL HANIYAH.

(TEHRAN)-Waxa aan la soconaa in maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay aroornimadeedii in magaaladda Tehran ee ah caasimadda dalka Iraan lagu dilay Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Md.Ismaaciil Haniyah,dilka Hogaamiyaha ayaan weli loo helin wax cadeyn ah oo kuna saabsan qaabka uu u dhacay dilkiisa,hadaba seddex qof oo ku suganaa dhismaha lagu dilay Ismaaciil Haniyah ayaa Wargayska Middle East Eye u sheegay iney maqleen dhawaqa Qaraxa ka hor,waxayna diideen wararka sheegaayo in Hogaamiyaha Xamaas in lagu dilay Bam lagu aasay gurigii uu degnaayey. Seddex qof oo ku sugnaa dhismaha sida weyn loo ilaaliyo ee magaaladda Tehran ee lagu dilay Ismaaciil Haniyah ayaa Middle East Eye u sheegay in Madaxa Siyaasadda Xamaas lagu dilay Madfac lagu soo riday Qolkiisa ee aanu ahayn Bam loogu aasay gurigiisa. Shaqsiyaadka,oo mid ka mid ah uu ku sugnaa qol u dhaw midkii uu deganaay Haniyah ayaa sheegay maanta oo Jimca ah iney maqleen dhawaqyo ka hor inta uusan Qaraxa ruxin dhismaha. Mid ka mid ah shaqsiyaadka ayaa Wargayska Middle East Eye u sheegay in tani ey xaqiiqdii ahayd gentaal la soo tuuray oo eysan ahayn Bam la aasay,isagoo intaas raaciyey iney arkeen dhibaatadii ka dhalatay Qaraxa oo u muuqdo mid barbar socday weerarka Gentaalka.

ISHA/MEE.

SII AKHRI.