SHIR U DHEXEYO JAPAN IYO AFRIKA OO KA FURMAY…
SHIRKA TICAD EE TUNISIYA.
(TUNISIYA)-Caasimadda dalka Tuniisiya ee Tuunis waxaa maanta oo Santi ah(27/8/22)-ka ka furmay shir u dhexeeyo wadamadda Qaaradda Afrika iyo dalka Japan loona aqoon ogyahay TICAD. Ticad ayaa la aasaasay sannadkii 1993-dii waxaane loogu talagalay in iskaashi dhexmaro wadamadda Afrika iyo dalka Japan,shirkaan ayaa loo qorsheeyey inuu qabsoomo seddexdii sanaba hal mar midkii ugu dambeeyeyne waxaa lagu qabtay dalkaasi Kenya. Dalka Japan ayaa waxa uu rabaa inuu kula tartamo dhinca maalgashiga Qaaradda Afrika dalka Shiinaha oo hadda si xawli ah ugu dhexjira Qaarada Afrika,sannadkii 2018-kii dalka Japan waxa uu Afrika ugu deeqaya lacag dhan 17-milyaar oo doolarka dalka Maraykanka ah,waxa uuna dalka JAPAN maalgashi ku sameeyey Qaarada Afrika lacag dhan 4.8-milyaar oo doolarka Maraykanka ah,shirka maanta ka socdo Tuniisiyana waxa uu dalka Japan Afrika ugu deeqay lacag gaareyso 30-milyaar oo doolarka maraykanka ah seddexda sano ee soo socoto shirkaan hadda ka socdo Tunisiya waxaa dalka Soomaaliya uga qeybgalay RW-Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminaayo.
ISHA WARKA WAKAALADO.