SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIR KA FURMAY MAGAALADDA CAQABA.

(SAWIRKA)-SHIRKII CAQABA’A.

(AQABA’A)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa Sabtida maanta ah ka qeybgalay wada hadallo heer Wasiir ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka Suriya ka dib markii la riday xukuumaddii Bashaa AL-Asad. Magaaladda Caqaba ee ku taalo Badda Cas ee dalka Urdun oo xuduud la wadaago dalka Suriya,waxaa ka socdo wada hadallo lagu adkeynaayo xasiloonida Gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka ey colaaduhu aafeeyeen ee Suriya. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken,Madaxa Siyaasadda iyo Arrimaha Dibadda Midawga Yurub Kaja Kalas iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Suriya Feir Pedersen ayaa iyaguna ka qeybgalay kulanka. Wakiilo ka kala socday wadamadda Urdun,Imaaraatka Carabta,Fraraniiska,Qadar,Sacuudiga,Ciraaq,Lubnaan,Masar,Jarmal,UK iyo Ururka Jaamicadda Carabta ayaa sidoo kale ka qeybgalay doodaha. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyey oo heer caalami ah oo looga hadlo dalka Suriya ka dib markii uu dhacay xukunkii Bashaar AL-Asad. Bashaar AL-Asad oo ahaa hogaamiyihii dalka Suriya ku dhawaad 25-sano ayaa u baxsaday dalka Ruushka ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda maamulkiisa ka dhisan magaaladda Dimishiq ey la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Dimishiq 8/12/24-ka taasi oo soo afjartay taliskii Xisbiga AL-Bacthi oo dalka Suriya soona xukumaayey tan iyo sannadkii 1963-dii.

ISHA.AA.