SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIR AFAR GEESOOD AH OO KU IDLAADAY MASAR.

(SAWIRKA)-ISGOYSKA RAFAX.

(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in halkaas caawa oo Talaada ah lagu soo gabagabeeyey shir ey ka qeybgaleen Masuuliyiin heer sare ah kana kala socday dalalka Masar,Maraykanka,Qadar iyo Isra’iil,goobjogayaal ayaa sheegay in shirkaani ahaay mid daba socday shir horay uga dhacay caasimadda Faransiiska ee Paris kuna saabanaay sidii Xabad joojin waarta looga gaari lahaay dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil loona sii deyn lahaay Maxaabiista labada dhinac. Kulanka Caawa ka dhacay magaaladda Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa qeybgalay Madaxa Hayadda Sirdoonka dalka Masar Gen.Cabaas Kaamil,Agaasimaha Guud ee CIA-da dalka Maraykanka William Burns,Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman AL-thani iyo wafdi ka socdo dalka Isra’iil eyna ka mid ahaayeen Madaxa Sirdoon Isra’iil ee Mossad David Barnea,Madaxa Hayadda Amniga Gudaha Isra’iil ee Shin Bet Ronen Bar iyo masuulka haayo galalka la haystayaasha Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas Gen.Nitzan Alon Reseves. Waane jiro warar is khilaafsan kuna saabsan wixii ka soo baxay shirii caawa ka dhacay magaaladda Qaahira. Dawladda Masar ayaa sheegtay in shirku uu ku soo dhammaaday guul iyo isafgarad halka Isra’iil ey sheegayso ineysan ka soo bixin wax natiija ah shurkii ka dhacay Qaahira caawa oo Talaada ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.