SHEEKHA SHIICADDA CIRAAQ OO LA HADLAY SAFIIRKA MARAYKANKA.
(SAWIR)-KA.SHEEKH AL-XAKIIMI.
(BAQDAD)-Wadaadka Shiicadda dalka Ciraaq Camaar AL-Xakiimi iyo Safiirka Maraykanka ee Ciraaq Alina Romanowski ayaa ka wada hadlay isbedeladda siyaasadeed ee dalka Ciraaq iyo tan Gobolka. Hadal Qoraal ah oo la soo dhigay barta(X) ayey Romanowski waxa ey ku sheegtay iney wada hadallo wanaagsan la yeelatay AL-Xakiimi oo ah Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xikamadda Qaranka Ciraaq(AL-Xikma),”Horumarka Siyaasadda,Amniga,Dimuqaraadiyadda iyo Xuquuqda Adanaha “iyadoo labada dhinacba ey qaadayaan tilaabooyin iskaashi. “Maraykanka iyo Ciraaq waxay sii wadaan ka wada shaqeynta sidii ey u dhisi lahaayeen Ciraaq Xasilloon,amaan ah oo madax banaan” ayey raacisay hadalkeedii. Dhaqdhaqaaqa AL-Xikmi ayaa kulan ka dib waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in AL-Xakiimi uu ku baaqay in la soo afjaro hawlgalka isbahaysiga caalamiga ah ee uu Maraykanku hogaaminaayo ee Ciraaq”. AL-Xakiimi ayaa sidoo kale ku baaqay in xiriirka Ciraaq iyo isbahaysiga lagu bedelo xiriirka laba geesoodka ah ee Ciraaq iyo qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga. Dalka Ciraaq ayaa horay u shaaciyey in 25-kii Janaayo heshiis lala gaaray dalka Maraykanka si loo dejiyo jadwal lagu soo afjaraayo hawlgalka Mileteri ee isbaheysiga kaaso la aas-aasay markii uu bilawday dagaalkii ka dhanka ahaay kooxda Daacish/ISIS,hawlgalkaan ayaa waxaa hogaaminaayey Maraykanka,waxaane si tartiib tartiib ah loo dhimay taliyeyaasha isbaheysiga. Saldhigyadda ey leeyihiin ciidamadda isbaheysiga ayaa marar badan weeraro kala kulmay maleeshiyaadka shiicadda ee ey taageerto Iraan.
ISHA/AA.