SHAREEN ABU AKLEH OO LA TOOGTAY.
(FALASTIIN)-Shareen Abu Akleh oo ah saxafiyadda u dhalatay Falastiin balse haysata dhalashadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Arbaca ah(11/5/22)-ka ciidamadda Israa’iil ku toogteen Daanta Galbeed ee Gaza dhulka Falastiin,saxafiyadaan la toogtay ayaa ahayd mid in mudda ah u soo shaqeynaysay Tv-ga caalamiga ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga,waxa kaloo Shareen eey u shaqeynaysay Idaacad laga leeyahay dalka Faransiiska ee la yiraahdo Monte Carlo qeybta Afka carabiga,Shareen oo ahayd saxafiyadda ruug cadaa ah in mudda ah ka soo warami jirtay dhulka reer Falastiin ee yuhuudu xooga ku degan tahay ayaa ugu dambayntii maanta ku baxda gacanta ciidamadda Israa’iil,safiirka Maraykanka ee Israa’iil ayaa codsaday in dilka Shareen lagu sameeyo baaritaan madax banaan si dhaqsi ah,falkaan ayaa waxaa cambaareeyey maamulka sare ee warbaahinta Al-Jazeera oo eey ka tirsaneed Sharee Abu Akleh.
XIGASHO ANADOLU.