SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHAN QOFOOD OO LAGU TOOGTAY DALKA KUWEYT.

(SAWIRKA)-XABSIGA DHEXE EE KUWEYT.

(KUAWIT)-Dalka Kuweyt ayaa maanta oo Khamiis ah(26/7/23)-ka waxa uu dil toogasha ah ku fuliyey shan qofood uu ku jiro nin ka tirsan kooxda Daacish/ISIS kaaso ka qeyb qaatay weerar bambaano oo lagu qaaday Masjid ey leeyihiin Shiicada,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo 26-qofood,sidaas waxa sheegay garsoorka dalka Kuweyt. Qoraal ka soo baxay garsoorka dalka Kuweyt ayaa lagu sheegay in dilka toogashada ah ee lagu fuliyey shanta qofood uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe,dadka la wada toogtay maanta ayaa kuwada edeynaay dil ey gaysteen. C/raxmaan Sabaax Sacuud oo ah nin ku edeysan inuu galay dembiga ugu weyn ee dhacay 2015-kii,C/raxman ayaa bambo waxa uu ku qarxiyey Masjid ey leyihiin Shiicada dalka Kuweyt kuna yaalo caasimadda Kuweyt waqti la dukanaayey Salaadii Jimcaha.

ISHA.ARABIC,

HALKAN KA SI AKHRISO.