SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SEDDEX DAL OO YURUB AH OO AQOONSADAY FALASTIIN.

(SAWIR)-KA.RW-NORWAY.

(LONDON)-Dalalka Norway,Irland iyo Spain ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay iney Aqoonsanayaan Dawladda Falastiin ah,waa tallaabo taariikhi ah waxaane canbaareeyey Isra’iil halka ey ku farxeen dadka reer Falstiin. Isra’iil ayaa isla markiiba amartay iney dib u soo ceshato Safiiradeedii u kala fadhiyey dalalka Norway iyo Irland. Aqoonsiga rasmiga ah ee Dawladda Falastiin ayaa la sameyn doonaa 28/5/24-ka,horumarku waa tallaabo loo qaaday rabitaanka Falastiiniyiinta ee mudada dheer ka soo horjeeday caradda caalamiga ah ee dhimashadda dadka rayidka ah iyo dhibaatooyinka bani’adanimo ee Marinka Gaza ka dib markii Ciidamadda Isra’iil ey weerareen halkaas. Dhinaca kale, Magaaladda Qudus,Wasiir ka tirsan Xukuumadda Midigta-Fog ayaa booqasho Daandaansi ah ku tegay goob Barakaysan ee Muslimiinta iyo Yahuuda. Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itamar Ben Gvir ayaa booqasho ku tegay dhismaha Masjidka AL-Aqsa’a ee Barakaysan kaaso Yuhuuda ey ku tilmaamaan Temple Mount,waxay u badan tahay iney sii kordhiso xiisadda Gobolka oo dhan.

ISHA/AW.

SII AKHRI.