SAXAFIYAD SUMCAD DIL KU SAMEYSAY BOQORKA URDUN OO LA XUKUMAY.
(SAWIRKA)-HEBA ABU DHAHA.
(AMMAN)-Saxafiyad u dhalatay dalka Boqortooyadda Urdun lana yiraahdo HIBA ABU DHAAHA ayaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah ka dib markii ey daabacday warbixin daaha ka feyday doorka la sheegay in Boqortooyada Urdun ey ku leedahay u dhoofinta badeecadaha Isra’iil iyadoo la marinaayo marin dhuleedka boqotooyadda Urdun. Warbixinta ey qortay Hiba Abu Dhaaha ayaa cinwaan looga dhigay”La hawlgalayaasha Xasuuqa…caasimadda Urdun ee ku lug leh xasuuqa Marinka Gaza” warbixinta ayaa lagu daabacay Annasher oo ah Warbaahin Lubnaani ah. Waxay qeexeysaa ku lug lahaanshaha qaar ka mid ah shirkadaha Urdun ee soo daabula alaabta Isra’iil iyadoo la maraayo marin dhul. Bishii Feberaayo,Reysal Wasaaraha dalka Urdun Bisher ayaa dafiray iney jirto wado dhulka ah oo ka timid dalkiisa kuna socota Isra’iil, isagoo ku tilmaamay warbixinadda lagu eedeyey iney yihiin”Farsamo”,waxa uuna sheegay in 25-sano ee la soo dhaafay inaan la bedelin wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Boqortooyadda Urdun. Sida uu dhigaayo sharci khuseeyo dembiyadda Internet-ka lana ansixiyey sannadkii hore gudaha dalka Urdun,Waxaa dembi ah Sumcad dil(Defame),War been ah(False News) iyo Aflagaadada(Slander),ciqaabta uu muteysanaayo qofkii lagu helo Dembiyadda Internet-ka gudaha dalka Urdun waa ganaax dhan 5-kun oo Diinaarka Urdun ah una dhiganta $7-kun oo doolarka Maraykanka ah iyo xabsi dhan 3-bilood iyo wixii ka badan ah.
ISHA/MEE.