SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SAWIRQAADE LIIBIYA LAGU LA’AYAHAY.

SAWIRKA SAWIRQAADIHII LA DILAY.

(LIIBIYA)-Xaaskii uu ka geeriyooday sawirqaade fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska kaaso eey dileen ciidamo taabacsan Qadaafi sannadkii-2011-kii ayaa lagu eedeyay dalka Koonfur Afrika ineeysan dhimashada sawirqaadaha u sheegin xaaskiisa taaso ka kaalmeyn lahayd xaaksa ninka la dilay ineey ogaato halka uu ku duugan yahay amaba ka soo heli jirkiisa. Anton Hammerl ayaa lagu dilay dhacdo dhacday bishii Meey-2011-kii sida eey arkaayeen saxafiyiin kale oo ku sugnaay halka uu Hammerl ku dhintay saxafiyiintaas ayaa waxaa ka mid ahaay James Foley kaaso isagana ugu dambayntii la afduubtay loona watay xabsi eey leeyihiin kooxda Daacish kuna yaalo dalka Suuriya. Penny Sakhraj Hammerl ayaa heshay 19/5/2011-kiiwar sheegayo ninkeeda dhintay ka dib markii 44-maalin uu noolaay tan iyo markii la afduubay isaga iyo saxafiyiin kale. Arrintaan waxaa soo kiciyey markii uu dalka K/Afrika xaaskiisa sawirqaadaha u diray baasaboorkiisa sannadkii 2016-kii.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.