SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SARKAAL SARE OO YEMANI AH OO LAGU DILAY QAHIRA.

(SAWIRKA)-SARKAAL SARE OO YEMANI AH OO LAGU DILAY QAAHIRA.

(QAHIRA)-DEG DEG: Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda dalka Yeman ayaa meydkiisa laga helay caasimadda dalka Masar ee Qahira sida ey xaqiijisay Safaaradda dalka Yeman ee magaaladda Qaahira maanta oo Axad ah. Bayaan ey soo saartay Safaardda dalka Yeman ee Qaahira ayaa lagu sheegay in Sareeya Guuto Xasan Farxaan Bin Jalaal AL-Cubeydi laga helay gurigiisa ku yaalo magaaladda Qaahira isaga oo la dilay,Safaaradda ayaa sheegtay in hayadaha amaanka dalka Masar iney dabagal ku hayaan dilka S/G.Xasan. Sida laga soo xigtay Warbaahinta dalka Yeman S/G.Cubeydi ayaa meydkiisa la soo helay isagoo ey ka xiran yihiin gacmaha iyo lugaha,waxaane meydka sarkaalkan ka muuqatay jirdil aad u xoogan oo loo gaystay,gaar ahaan Madaxa iyo Qoorta,ma jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca xukuumadda Masar kuna sabsan dhacdadaan. Sida la sheegay dilka S/G.Cubeydi ayaa waxa uu dhacay laba maalmood ka hor,waxaane lagu ogaaday ka dib markii saaxibadiis ey waayeen S/G.Cubeydi uuna ka qaban waayey telefoonka ayey tageen gurigii uu deganaay waxa eyna jebiyeen qolkii uu deganaay halkaas ayeyna ku arkeen meydka saaxibkood oo xirxiran, S/G.Cubaydi ayaa ahaay sarkaal sare lana soo shaqeeyey Xukuumaddii Cali Cabdalla Saalax waxa uuna hadda ahaay Agaasimaha Waaxda Warshadeynta ee Wasaaradda Difaac dalka Yeman, S/G.Cubeydi ayaa sameeyey laba baabuur oo loogu magac daray JALAAL-1 IYO JALAAL-2 intuu ahaay Madaxa Warshadeynta Wasaaradda difaaca Yeman.

ISHA/WARBAHINO.