SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SARKAAL SARE OO LAGU DILAYA QARAX…

AUN-SAWIRKA S/GUUTO.FARXAAN QAROOLE.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu taladda dalka uu la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-ka waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan kooxda Alshabaab meel kasta oo eey dalka joogaan,Madaxweyne Xasan ayaa goobo badan uu ka hadlay ka sheegay ineey ka go’an tahay inuu dalka ka xoreey Alshabaab waxa uuna Madaxweynaha xusay qaababka uu kooxda Alshabaab ula dagaalamaayo sida Dagaal toos ah oo kooxda lala galo,Dahqaalaha oo laga jaro iyo in warbaahinta oo laga cuuryamiyo kooxda Alshabaab. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka H/shabeele mudane Cali Jeyte ayaa noday qofkii ugu horeeyey oo masuul ah ee qaaday hubka kuna dhaqaaqay inuu la dgaalamo kooxda Alshabaab,gudoomiye Cali oo kashanaayo dadka shacabka ah ee degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa ku guulaystay ineey kooxda Alshabaab ka saaraan dhulal ka tirsan gobolka Hiiraan,inta uu socday dagaalka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday dad magac iyo maamus ku dhex leh shacabka Hiiraan waxaane ka mida AUN-Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ku geeriyooday miino kula qaraxday agagaarka Ceel Qooxle ee goblkaasi Hiiraan.Dhinaca kale,dagaal adag oo jilibka la isugu aasay ayaa isna ka socdo maamulka Galmudug degmooyinkiisa sida C/buur,Cadaado iyo X/dheere dagaaladaan ayey kooxda Alshabaab waxa eey ku lumisay degaano eey soo maamulaysay muddo ka badan 15-sano waxa eeyn kooxda u kala qaxday goboladda Sh/dhexe iyo Bay,Bakool halkaso hadda gabaad u ah kooxda Alshabaab. Agaaismaha hayadda NISA Mahad Salaad iyo Madaxweynaha H/shabeele Cali Guudlaawe ayaa go’aamiyey in kooxda Alshabaab lagula dagaalamo inta u dhexeyso degmooyinka Balcad iyo Afgooye kana kala tirsan H/shabeel iyo KGS si kooxda Alshabaab awoodeeda G/banaadir loo wiiqo waxaane weerararo is daba joog ah lagu qaaday goobo eey fadhiyeen kooxda Alshabaab kuna yaalo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe,hawlgal eey si wadajira u qaadeen ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa NISA ayaa waxaa saakay oo Jimca ah kooxda Alshabaab looga qabsaday degaano fara badan eeyna ka mid yihiin (1)-BASRA (2)-SABYO (3)-BAQADAAD (4)-BELED AL-KARIIM (5)-BALDOOSKA (6)-ALIFOOW (7)-MURAYLEY (8)-DANIGA BALOW (9)-BUULO XAANSHOLEY. Hawlgalkaan dhacay saakay waaberigii ayaa waxaa ku geeriyooday ka dib markii eey miino ku qaraxday taliyihii booliska gobolka banaadir S/G.Farxaan Maxamuud Aadan(Farxaan Qaroole) iyo sawirqaade ka tirsan warbaahinta qaranka(SNTV) lana yiraahdo AUN- Axmed Maxamed Shukur(Socdaal) qaraxa ayaa ahaay miino dhulka lagu aasay waxaane dhaawac uu soo garay qaar ka mida ilaaladii la socotay AUN-Qaroole.Agaasimaha Hayadda NISA Mahad Salaad ayaa geeridda Qaroole ku sheegay in Qaroole yahay Shahiid u dhintay dalkiisa iyo dadkiisa inuu ka dul qaado kooxda Alshabaab waxaane geeridda Qaroole ka wada tacsiyey dhammaan masuuliyiinta Qaranka uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh,RW-Xamza,Gudoomiye Aadan Madoobe,Wasiirka Amniga Qaranka Doodishe,Taliyaha Booliska Soomaliyeed Xijaar,Gudoomiyaha G/Banaadir Madaale.

ISHA WARKA SB MEDIA(SOMALIA).