SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SARAAKIIL REER IRAAN AH OO LA DILAY.

SARKAAL IRANI AH OO LA DILAY.

(TEHRAN)-Ma aha markii ugu horeeysay oo aan maqalno in la dilay saraakiil reer Iraan oo la toogtay waayo waxaa horay loo soo dilay khubaro u dhalatay Iraan gudaha dalkooda Iraan mana jirto cid sheegatay dilkooda balse dalka Iraan ayaa waxa uu ku tuhmaa dilalka qorsheysan ee loo gaysanayo dadkooda muhiimka ah ineey ka dambeeyaan Maraykanka iyo Israa’iil sirdoonadooda oo is kaashanaayo in kastoo aan la cadayn karin hadalka Iraan,hadaba laba sarkaal oo ka tirsan ilaaladda kacaanka ee dalkaasi Iraan gaar ahaan kuwooda qaabilsan difaaca hawada ayaa geriyooday dhacdooyin kala gedisan kana dhacay gudaha dalkaasi Iraan dhammaadkii todobaadkii tegay sida lagu sheegay warbaahinta dalkaasi Iraan maanta oo Isniin ah. Dhacdooyinkaan lagu dilaayo sarakiisha ilaaladda kacaanka Iraan ayaa ah mid sii kordhaysa ayadoo aan weli go’aan cad laga gaarin wada hadaladda xakamaynta hubka wax gumaado ee nukliyeerka ee dalkaasi Iraan.

ISHA WARKA DS.

HALKAN KA SII AKHRISO.