SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SANNADKA 2022- YEMAN WAXAA KA DHACAY 3411-TACADI.

BURBURKA GAARAY YEMAN.

(SANCA)-Ugu yaraan 447-qofood oo dad shacab ah ayaa lagu dilay dalka Yeman inta uu socday dagaalka Yeman ee u dhexeeyo kooxo iska soo horjeedo sida laga soo xigtay hayadaha u doodo xuquuqda aadanaha shalay oo Khamiis ahayd. 35-qofood oo dumar ah iyo 82-caruur ah ayaa ka mid ah dhibanayaasha sidaas waxaa qoraal ey soo saareen ku sheegay Gudiga caalamiga ah ee baaro dembiyada loogu xadgudbo baniaadamka. Gudiga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in 891-qofood oo dad shacab ah ey ku dhaawacmeen dagaaladda dalka Yeman,dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah 84-qofood oo dumar ah iyo 212-Caruur ah. Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay ineey soo saareen qoraal ey ku muujinayaan tacadiyadda ka dhacay dalka Yeman waxa eyna ku sheegay tacadiyada ka dhacay Yeman ineey dhan yihiin 3411-Tacadi guuda ahaan dalka Yeman sannadka 2022-ka,tacadiyada loo gaystay dadka reer Yeman ayaa kala ah Jirdil,Barakicin dad shacab ah,Xarig aan sharci ahayn,Burburin dhismayaal shacab leeyahay iyo Askareynta Caruurta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.