SALMA AL-SHEHAB MUXU SACUDIGA U XIRAY?
SALMA AL-SHEHAB.
(RIYAD)-Maxkamad ku taalo dalka Sacuudiga ayaa 34-sano oo xarig ah waxa eey ku xukuntay ardayad diyaarinaysay shaahadada Phd-da,xiriga ardayada Sacuudiga ah ayaa sabab looga dhigay ineey faafisay warar been abuur ah kana faafisay dawladda Sacuudiga iyo ineey dib u qortay qoraalo eey barahooda Twitter-ka soo dhigeen dad mucaarad ku ah dawladda Sacuudiga sida lagu arkay dukumintiyo la helay maanta oo khamiis ah, Go’aanka eey gaartay maxkamada Sacuudiga ayaa laga cambaareeyey adduunka oo dhan. Kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo garyaqaanada ayaa aad uga dhiidhiyey xukunka lagu riday Salma Al-sheha oo ah hooyada laba caruur ah isla markaasne ah cilmi baare ka tirsan Jaamicadda Leeds ee dalkaasi Ingiriiska. Xukunka Salma Al-shehab waxa uu ka nixiyey dad badan oo horay u saluugsanaay qaabka eey u shaqeyso cadaaladda Sacuudiga. Salma Al-shehab ayaa la xiray 15/1/2021-kii(SANAD IYO TODOBO BIL) ka dib markii eey booqasho ugu timid ehelkeeda oo joogo Sacuudiga ka hor inta eeysan u laaban dalka Ingiriiska,sidaasne waxaa sheegay urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha fadhigiisuna yahay magaaladda Washington ee dalkaasi Maraykanka.
ISHA WARKA AP.