SAFIIRKII IRAAN U FADHIYEY YAMAN OO GEERIYOODAY.
(IRAAN):Safiirkii dalka Iraan u fadhiyey(SANCA) dalka Yaman Xasan Irlu ayaa waxa uu u geeriyooday caabuqa COVID-19 ka dib markii laga soo qaaday dalka Yaman asbuuci ina soo dhaafay.Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray maanta oo Talaada ah(21/12/2021)-ka wasiirka arrimaha dibadda dalka Iraan waxaa shahiiday safiirkii dalka Iraan ee la shaqeeynaayey xukuumada badbaado qaran(National Salvation Goverment).Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iraan Saciid Khdhibzadeh isagoo qiimaynaayo safiir Irlu ayuu ku sifeeyey inuu yahay (SHAHIID) iyo inuu ahaay khabiir ku xeel dheer ku dagaalanka hubka kiimikada ah waxa uuna safiir Irlu ka qeybgalay dagaalkii dhexmaray dalalka Ciraaq iyo Iraan sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda ariimaha dibadda dalka Iraan Saciid.Waxaa la qorsheeynaayey in iskaashi lala sameeyo dalalka qaar si safiir Irlu loo geeyo meel lagu daaweeyo waxaane arrintaas iskkaashi lagala sameeyey dalka Scuudiga ayadoo loo maray dalka Ciraaq si loo caawino safiir Irlu loogana soo qaado dalka Yaman loona keeno dalka Ciraaq waane eey suuragashay taas oo safiir Irlu waxaa yaman looga soo qaaday diyaarad laga leeyahay dalka Ciraaq oo ah nuuca gargaarka deg deg ah.ISHA MEMO.