SACUUDIGA OO XUKUNO DIL KU RIDAY..
SAUDI ARABIA.
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga in mudda ahba waxaa jiray gabood fal loo gayasanaayo dadka waxbartay iskana diiday hab dhaqanka siyaasadeed uu la soo baxay dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan isla markaasne ah Reysal Wasaaraha dalkaasi Sacuudiga,dhaxal suge Maxamed ayaa gaystay dhibaatoyin fara badan ey ka mid tahay dilkii loo gaystay Saxafigii reer Sacuudi Jamaal Khashogji gudaha dalka Turkiga waxaane hadda gudaha dalka Sacuudiga ku xiran rag u badan culumaa’udiin iska diiday in diinta islaamka loo gefo,hadaba maanta oo Talaada ah ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in Maxkamad ku taalo magaaladda Caasimadda ah Riyaad ey horaantii bishaan Febaraay-2023-ka riday xukuno dila ah balse ey dhiman tahay fuluntooda,xukunadaan dilka ah ayaa waxaa qaaday maxakamadaha Sare iyo Racfaanka ee dalka Sacuudiga.
ISHA WARKA ARAB.