SACUUDIGA OO XUKUN KU RIDAY DAD KALA GEDISAN.
(RIYAAD)-Maxkamadda qaado dembiyadda ee dalka boqortooyadda Sacuudiga Carabiya ayaa maanta oo Axad ah(8/8/2021)-ka waxa eey xukun dhan shan iyo toban sano ku riday wakiilkii hore ee ururka Xamaas u fadhiyey Sacuudiga Maxamed Alkhudari,sababta Alkhudari loo xukumay ayaa ah inuu kaalmeeyn jiray ururadda ka jiro gudaha Falastiin sida uu sheegay Cabdulmajiid Alkhudari oo ah walaakiis,waxaa kaloo uu Cabdulmajiid u sheegay walkaaladda wararka ee Turkiga Anadolu in xukunka ku dhacay walaakiis maxkamadu ka dhintay nus,sidoo kale waxaa isna xukun ku dhacay HaanI Alkhudari ee uu dhalay Alkhudari ayaa lagu xukumay seddex sano oo xabsi ah. Arrinta dadkaan la xukumay maanta ayaa ah mid soo bilaabatay sannadkii 2019-kii waxaane dalka Boqortooyadda Sacuudiga lagu qabtay dad gaaraayo 69-qofood una kala dhashay Urdun iyo Falastiin dadkaan ayey dawladda Sacuudiga ku eedeeysay ineey taageraan ururadda ka dagaalamo gudaha Falastiin,hadaba waxaan halkaan idiinku soo gudbihaa magacyada qaar ka mida dadkii la xukumay iyo intii sano ee lagu xukumay. (1)-Maxamed Fataax(6)-bilood. (2)-Muxsin abu Xuseen iyo Ayman Caqaada min(4)-sano. (3)-Saalax Maxamed Faqi(50)-sano. (4)-Maxamed Al Kurdi(6)-sano. (5)-Baasim Alkurdi(7)-sano. (6)-Ayman Alcaryaan(19)-sano. (7)-Cali Maxamed Abana’a(20)-sano. (8)-Maxamed Alcaabid(22)-sano. XIGASHO WAKAALADO.