SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO XUKUMAY MASUULIYIIN SAMEEYSAY MUSUQ.

Maxkam ku taalo dalka boqortooyadda Sacuud Carabiya ayaa soo saartay xukun adag oo lagu qaadaayo sideed qofood oo sameeyey musuqmaasuq kala gedisan,dadkaas ayaa waxaa ka mid ah gudoomiye gobol iyo qaali maxkamadeed,faahfaahinta xukunkooda ayaa lagu soo qaatay wargaysyadda carabta.Dadka la xukumay ayaa waxaa ka mida dad caan ah sida qaaliga maxkamadda waxaane lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu qaatay Laaluush waxaane lagu ganaaxay seddex boqol oo kun oo riyaalka sacuudiga ah una dhiganta sideetan kun oo doolarka Maraykanka ah($80,000).Gudoomiyaha gobolka ayaa isna ku eedeysan Laaluush iyo ku takrifal awoodeed,waxaane lagu xukumay gudoomiyaha seddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan labaatan iyo shan kun oo riyaalka sacuudiga ah una dhiganto lix kun iyo lix boqol oo doolarka Maraykanka ah(6,600). XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.