SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO XABSIGA KA SII DAAYEY…

DALKA SACUUDIGA.

(KSA)-Dalka Boqortooyada Sauudiga ayaa xabsiga ka sii deeysay hogaamiye ka tirsan ururka Xamaas ee reer Falastiin lana yiraahdo Maxamed Al-Khudari sidaas waxaa xaqiijiyey urur Xamaas maanta oo Arbaca ah. Alkhudari oo ah 84-jir ayaa dalka Sacuudiga lagu xiray sannadkii 2019-kii waxa uuna Alkhudari ka mid ahaay 60-qofood oo isugu jira xubno ka tirsan Xamaas iyo taageerayaashooda. Sannadkii la soo dhaafay 2021-kii maxkamad ku taalo dalka Sacuudiga ayaa Alkhudari ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeyey inuu kaalmo siinaayey ururka Xamaas waane ka hor inta aan xukunka Alkhudari wax laga dhimin lagana dhigin seddex sano oo xabsi ah taaso hadda uu soo dhammaystay Alkhudari.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.