SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO UGU DEEQAY YEMAN…

(SAWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA YEMAN IYO SAFIIRKA SACUUDIGA.

(ADEN-YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu weli la daalaa dhacayaa dagaal sokeeye waxaane intaas u dheer in lacagtii dalka Yeman uu lahaay ey si aad ah hoos ugu dhacday waqtiyadaan dambe waxa eyna gaartay in halkii doolar oo Maraykan ah lagu sarifo 1,500-Riyaalka Yeman ah. Dhaqaale xumida dalka Yeman eyna u dheer tahay dagaal aan dhammad lahayn ayaa hadda waxaa ugu sii darsamay dhibaato dhinaca korontada ah gaar ahaan halka ey degan tahay xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee magaaladda Cadan koonfurt dalka Yeman,heerkulka Cadan ma aha mid caadi ah waqtiyada kulaylaha mana jirto cid ku noolaan karta koronto la’aan magaaladda Cadan. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalka Yeman waxa uu ugu deeqay dhaqaale dhan 1.2-Milyan oo doolarka Maraykanka ah waxaane maanta gacanta laga saaray Wasiirka Maaliyadda ee dalka Yeman gudaha magaaladda Cadan,lacagtaan ayaa la sheegay in loo isticmaalo doono bixinta Mushaaradka shaqaalaha dawladda Yeman,Biyaha iyo Korontada dib u hagaajintooda.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SII AKHRISO.