SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO QOF DUMARA KU XUKUMAY….

NUURAH.

(DUBAI)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa si xawli ah uga socdo xarig loo gaysanaayo dumarka waxbartay kana aragtida duwan wiilka dhaxal sugaha ah ee dalkaasi Sacuudi Maxamed Bin Salmaan(MBS),horay waxaa 35-sano oo xariga lagu xukumay Salma Al-Shehab oo ah hooyo leh laba caruura waxna ka barata dalka Ingiriiska markii la xiraayey Salma waxa eey booqasho Sacuudiga ugu timid ehelkeeda,hadaba maxkamad ku taalo isla Sacuudiga ayaa qof kale oo dumara waxa eey ku xukuntay 45-sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyey ineey baraha bulshada wax kaga sheegtay dalka Sacuudiga sida lagu arkay dukuminti la helay maanta oo Arbaca ah,qoftaan dumarka ee lagu xukumay 45-sano ee xariga ah ayaa noqonayso qofkii labaad oo dumar ah laguna xukumo xabsi dheer isla bishaan Agoosto-2022-ka gudaheeda. Nuuraha Bint Saciid Al-qaxtaani oo ah qofta lagu xukumay 45-sano ee xariga ah ayaa ka soo jeedo qabiil ka mida qabiiladda ugu tunka weyn dalkaasi Sacuudiga.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.